HALBEEGA HORUMARKA LOJISTIKADA EE DUNIDA
Lojistiku wuxuu halbawle u yahay dhaqaalaha wadan leeyahay iyo ka gobolkaba.Si loo ogaado heerka adeegyada lojistikada ee wadamada dunida Baanka Aduunku wuxuu bilaabay warbixin labadii sanadoodba mar soo baxda oo lagu eegayo, laguna falanqaynayo awoodaha lojistikada ee wadamada kaladuwan(Logistic performance index).
2007 ayuu baanku markii ugu horaysay soosaaray warbixintan ,tii ugu danbeeysayna waxay soo baxday sanadkan 2023ga. Warbixintan ugu danbaysay ee 2023 waxaa lagu beegsaday 139 wadan oo kukalayaa qaaradaha dunida ,ayadoo xog ururinta lagu beegsanayay dadka kashaqeeya goobaha kaladuwan ee muhiimka u ah lojistika wadan leeyahay.
Warbixintan halbeega lojistikada ee wadamadu waxay sahashay in isbarbardhig si fudud loogu sameeyo heerka wadanku marayo dhinaca lojistikada.
Warbixinta waxa lagu eegaa 6 halbeeg oo loo arkay inay sharixikaraan heerka wadan kastaa kajoogo dhinaca adeeg lojistikada ama adeegyada fufudeeya isusocodka ganacsiga caalamiga ah:
- Heerka shoqo iyo waxqabad ee kastamada iyo maamulada xuduudaha ganacsiga.
- Tayada ay leeyihiin kaabayaasha dhaqaale ee fududeeya isusocodka ganacsiga iyo rarka alaabooyinka.
- Siday usahlantahay in wadankaasi laga helo shirkado marakiib oo qiimo macquul ah lagaga kiraysankaro koontiinerada loo rarayo ama lagasoo rarayo wadamada kaladuwan.
- Awooda raad raaca ama lagulasoconkaro kolba halka ay marayso alaabaha la raray ama lasoo raray.
- Tayada adeegyada iyo adeegibixayaayasha lojistikada ee wadankaa kajira.
- Dhakhsaha ay ku qaadato inay shixnadaha kala duwan kusoo gaadhaan macaamiisha wadankaasi kunool.
Halbeegaydani waxay taabanayaan dhamaan dhinacyada muhiimka ah ee laga eegikaro habsami usocodka lojistikdada wadan leeyahay.Hab maamulka kastamada iyo xuduudaha ganacsigu wuxuu qayb libaax kaqaataa fududaynta iskusocodka ganacsiga. Waxa ayana lagama maarmaan ah horumarinta kaabayaasha taageeraya isusocda ganacsiga iyo rarka alaabooyinka. Kaabayaashaas oo ay kamid yihiin dekedaha iyo wadooyinka isku xidha magaalooyinka iyo wadamada kaladuwan. Awooda shirkadaha koontiinerada ee wadankaas kashaqeeya iyo inta meelood ee ay si joogto ah alaabo ugu rararaan, qiimayaasha noolka iyo awooda lasocodka ee alaabuhu intay safarka kujiraan, iyo weliba waqtiga ay ku qaadato in alaabta laba meelood oo kala duwan sida laba dekadoo oo laba wadan ku kalayaala loogu kala gudbiyo ayaa ayana ah arimo saldhig u ah tayada lojistikada ee wadan leeyahay. Sida ay u horumarsanyihiin shirkadaha lojistikada kashaqeeya ee wadankaa kusugan , xirfada shaqaalahooda iyo aqoonta ay kula macaamilaan dunada kale ayaa sidoo kale wax badan kasheegaysa heerka lojistikada ee wadankaasi.
Ayadoo lagu salaynayo naatiijada uu wadan kastaabaa ka keenay
6daa halbeeg ayaa waxaa lasiiyay dhibco udhaxeeya 1 ilaa 5. Taa macnaheedu waxa
weeye wadanka keenay 4 marka la eegay xog ururinta wuxuu ka adeeg fiicanyahay
wadanka keenay 2 ama 3 dhibcood.
Wadamada laga qaaday xog ururintan waxaa la isuraaciyay siday
isugu dhibco dhawaayeen ayadoo laga dhigay 4 kooxood.
- Wadamo heerkooda lojistikadu liito(poor logistics performers)
- Wadamo heerkoodu dhexdhexaad yahay(partial performers)
- wadamo heerkoodu fiicanyahay(consistent performers)
- wadamo heerkaad waxqabadka lojistikadu sareeyo(logistics friendly)
Warbixintan udanbaysay ee soobaxday 2023, 12 wadan ayaa galay heerka usareeya ayagoo keenay 4 dhibcood iyo wixii kabadan. Wadamadani oo ah wadamada dhaqaale ahaan horu marsan ayaa waxaa hogaaminaysa wadanka Singapore oo ku hogaaminaya 4.3 dhibcood, waxaan kusoo xiga Finland(4.2), Denmark(4.1) iyo Germany(4.1).
Sida la iska fahmikaro wadamada ugu hooseeya waxaa Kujira wadamada fiqiirka ah ee dhaqaale ahaan nugul, siyaasad ahaan aan deganayn, islamarkaana mararka qaar ay uraacaan dhibaatooyin dabeeciya oo aynu kuxiskarno Somalia(2.0), Afghanistan(1.9) iyo Libya(1.9).
Si hadaba kor loogusoo qaado heerka lojistikada ee wadanka , loona fududeeyo iskusocodka ganacsiga waa in dib u eegis lagu sameeyaa dhamaan halbeegyadaa lixda ah islamarkaana ladejiyaa siyaasadihii lagu horumarinlahaa. Hadii keliya la horumariyo mid ama laba kamida way adkaanaysaa wadankaasi inuu horumar muuqda kasameeyo heerkiisa lojistikada. Tusaale ahaan waxaynu ognahay in la horumariyay dekada Berbera taasi oo ka turjumaysa halbeegeena 2aad ee horumarinta kaabayaasha ganacsiga fududeeya. Laakiin taasi waxaa laga yaabaa inaanay wax la taabankaro kabedelin awoodii lojistikada ee wadanka. Si kor ukac muuqda loo sameeyo waa in sidoo kale la horumariyaa hab maamulka kastamada iyo nidaamkooda shaqo , kor looqaadaa xirfada iyo aqoonta shirkadaha bixiya adeegyada lojistikada ee gaarka looleeyahay, lagana shaqeeyaa in wadanku si toosa ugu xidhmilahaa dekado badan oo dunida ah, sidoo kalena la maal geliyaa adeegsiga tiknoolajiyada ee kastamada, dekadaha iyo shirkadaha lojitikada kashaqeeya ee gaarka looleeyahayba.